​Somalia: Wasiirro xilka la kala wareegay

Image

MUQDISHU- Magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ayaa lagu qabtay munaasabad xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradda Boostada iyo is-gaarsiinta dowladda Federalka Somalia iyo mas'uulka dhawaan loo soo magacaabay.

Kulankaasi, waxaa ka qayb galay Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia iyo xubno kale oo dowladda katirsan.

Wasiirkii hore ee xilka laga qaaday Guuleed Xuseen Qaasim, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka qaadistii Ra'isal wasaare Sharmaake ku sameeyay, wuxuuna tilmamay inuu la shaqayntood wasiirka cusub.

Maxamed Jamac Mursal oo xilka lagu wareejiyay, ayaa xusay in wasiirkii hore waxqabad muuqda sameeyay islamarkaana uu halkaasi kasii wadi doono, wuxuuna ka codsaday in mas'uulkii hore uu hayo khibrad ku aadan mudadii uu shaqaynayay, wuxuuna ka codsaday inuu wasaaradda ku kaabo.

25 April, 2016 ayay ahayd markii Cumar Cabdirashiid uu wasiirkaasi xilka ka qaaday iyadoo aan la caddayn sababta keentay, balse warar aan helayno ayaa xusay inay kalliftay gaabis dhanka shaqada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM