​Somalia: Xasan Xanafi oo la toogtay

Image

MUQDISHU- Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia ayaa maanta [Isniin 11 April, 2016], dil toogasho ah ku fulisay ninka loo haystay inuu ku lug lahaa qudh-gooyada wariyaal Somaliyeed, waxaana la qisaasay kadib markii 26-kii bishii hore la beeniyay racfaan uu ka qaatay maxkamadda darajada koowaad oo ku xukuntay toogasho.

Xasan Xanafi, ayaa saaka cadaaladda lagu mariyay xarunta iskuul Polizia halkaas oo 9 bishan lagu dilay labo ruux oo ka dambeeyay dilkii Wariye Hindia Xaaji oo katirsanayd warbaahinta dowladda Somalia.

Maxkadda, ayaa waarbaahinta u sharaxday xukunka xanafi waxayna sheegeen inuu ku cadyahay dambiyada lagu soo eedeeyay iyagoo xusay ciddii falkan oo kale lagu helo laga abaal marin doono.

Xanafi ayaa katirsanaa muddo kooxda Shabaab, wuxuuna qaabilsanaa qaybta dilalka wariyaasha, dabayaaqadii sannadkii 2014 ayay ahayd markii sirdoonka dalka Kenya kasoo qabteen dalkooda isagoo doonayay inuu u tallaabo waddamada reer galbeedka qaybtood.

Wuxuu qirtay qaar kamid ah dilalka wariyaasha xilli lagu waraystay xarunta nabad sugidda Somalia isagoo sheegay inuu dilay qaar kamid ahaa wariyaashii dhintay inkastoo iska fogeeyay eedaha qaybtood.

Labo jeer oo la geeyay maxkamadda sare iyo tan darajada koowaad 03-dii iyo 26-dii bishii March waxay ku xukumeen toogasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM