Somalia: Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo la qaybiyay
JOWHAR, Somalia- Waxaa xal laga gaaray muran ka taagnaa habka qabaa'ilka daga gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u qaybsan lahaayeen Barlamanka uu yeelanayo maamulka dhismihiisa lagu howllanyahay.
Odoyaasha dhaqanka labada gobol, ayaa xal ka gaari waayay qabinta qoondooyinka beelaha daga Hiiraan iyo Shabeellaha, waxayna dib ugu celiyeen wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia oo markii iska soo riixday.
Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah beelaha labada gobol ugu qaybisay Xildhibaanada, waxayna soo saartay Liis lagu muujiyay qaabka beelaha halkaasi daga u kala heleen 71 mudane oo Barlamankaasi ka koobnaan doono.
Beesha Tirada Xildhibaanada
1- Abgaal 15
2- Xawaadle 13
3- Gaaljecel 12
4- Jareer weyne 11
5- Gugundhabe 11
6- Habargidir 5
7- Moobleen 3
8- Ciise Muddulood 3
9- Hiilibi 2
10- Shiiqaal 1
11- Reer Aw Xasan 1
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in qorshaha uu yahay in dhamaadka Bishan lagu dhawaaqo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu wali jiro Khilaaf u dhaxeeya Beelaha.
Waxaa xusid mudan inaysan wali shirka imaan qaar kamid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, kuwaasoo saluug ka muujiyay sida loo maamulay shirka gogoshiisu taalo Jowhar.
GAROWEONLINE