​Somalia: Xukun lagu riday dadkii diley Wariye Hindiya

Image

MUQDISHU- Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia, ayaa maanta u fariisatay maxkamadaynta shakhsiyaad la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Allaha u naxariistee Wariye Hindia Xaaji oo dhawaan u geeriyootay qarax lagu xiray gaarigeeda.

Ragga la xukumay waxay dhawaan qirteen dambiga lagu soo eedeeyay iyagoo caddaystay inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Somalia, Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go'aanka maxkamadda, wuxuuna  sheegay in Cabdirasaaq Maxamed Barrow lagu xukumay dil toogasho ah maadaama uu ahaa ninkii qarxa ku dhajiyay gaariga Hindiyo Xaaji.

Eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, ayaa qoorta loo gashay ciqaab gaarsiisan xabsi daa'im maadaamada lagu helay inay faafin jireen afkaarta ururka Shabaab.

Horaantii December, 2015, ayaa la dilay Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre, oo kamid aheyd shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM