Somaliland oo hakisay saldhigga militariga Imaaraatka ee Berbera

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay mashruuca dhismaha saldhigga Military ee dowladda Imaaraadka ka waday magaalada Berbera.

Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay digniinta Xuutiyiinta Yemen ay Somaliland uga digayso saldhiga militeri ee Imaaraadka ay ka siisay Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Dr Sacad ayaa qiray inay jirto khatarta Xuutiyiinta oo wali taagan, balse sababta ay u hakiyeen mashruuca uusan midaasi ahayn oo ay yihiin arrimo farsamo, oo kamid ah in heshiiskii labada dhinac galeen qodobo kamid ah la filan waayay.

Heshiiska oo uu saxiixay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo sidoo kalena uu ansixiyay Baarlamaanka ayaa waxaa ku jira in Imaaraadka uu dhiso Wadada isku xirta Berbera iyo Wajaale, in la dhiso Garoonka Diyaaradaha.

Wuxuu sheegay wasiirka in Imaaraadka uusan wali usoo gudbin qorshaha dhisamaha labada mashruuc ee lagu dhisayo wadada iyo Garoonka, oo aysan Somaliland ka helin naqshadda iyo goorta la billaabayo.

Heshiiska Somaliland la gashay Imaaraadka oo 25 sano ah waxaa ku xusan ayuu yiri Wasiirka arrimo badan oo ay kamid yihiin, Dhisamo garoon, wadooyin, caafimaadka iyo tamarta biyaha, taasi oo bedel u ah saldhigga Berbera.

Sacad Cali Shire ayaa tilmaamay in mashariicda oo dhan ay isku wada xiran yihiin, islamarkaana saldhigga military dhismihiisa ay ka horeyaan kuwa horumarina deegaanada Somaliland.

Dowladda Imaaraadka kama aysan hadlin go'aanka Somaliland, kaasi oo aan la ogeyn inuu wax ka bedalayo heshiiskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM