Somaliland oo ka shaqeynaysa sidii "looga takhalusi lahaa" Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Todobaadkii hore waxaa magaaladda Nairobi, caasimadda Kenya, ku kulmay gudoomiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya iyo madaxda xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee Somaliland.

Mas'uuliyiinta waaweyn ee shirkaasi kasoo muuqatay waxaa kamid ahaa; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Illo wareedyo u dhow kulanka ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in qodobada shirka looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen xil-haynta Farmaajo iyo xaalada siyaasadeed ee wadanka.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga daryeelka iyo bulshada ee UCID, oo kulankaasi ka warbixiyey ayaa daaha ka rogay "in ay kawada hadleen Warsame sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo".

Mr Waraabe ayaa ku eedeeyay dowladda haatan jirta ee federaalka ah "in ay jabhado ay hogaamiyaan shaqsiyaad caan ah u sameysatay Somaliland, si ay u wiiqaan horumarka iyo nabada halkasi ka jirta".

"Cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaaga," ayuu Faysal yiri, isaga oo u muuqda mid difaacaya isu-imaatinkaasi, wuxuu raaciyey "Si il-baxnimo ah ayaan uga shaqeynaynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo".

Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, oo Faysal uu ka boobay su'aashaasi oo saxaafadu isagu waydiisay ayaa si aan leex-leexad lahayn wuxuu u ayiday erayada culus ee kasoo yeeray Waraabe.

"Inta uu Faysal yiri ayay ku egtahay. Soomaaliya jabhado hubeysan oo rag la garanayo ku jiraan ayuu Farmaajo u sameystay Somaliland. Cid dowlada Farmaajo mucaarad ku ah haday Somaliland la kulantay dambi maaha," ayuu xusay.

Hadaladaan kasoo yeeray mas'uuliyiinta Hargeysa ayaa imaanaya xili cilaaqaadka Farmaajo iyo maamulka Muuse Biixi uu cirka isku sii shareeray wixii ka dambeeyay dagaalka tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxda dowlada federaalka ayaa xaqiijiyey in labada madaxweyne ay xiriir wanaagsan lahaayeen kahor shaqaaqadaasi balse haatan uu hoos u dhac ku yimid, innkasta oo ay rajo ka muujyeen in xal la helo.

Tani ayaa caqabad ku noqotay in dib loo bilaabo wadahadalkii la filayey in uu u bilowday labada dhinac kaasi oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana lagu eedeeyay darafyada in aysan daacad ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM