Somaliland oo miiska wada hadalka ugu baaqday D.Federaalka

Image

Isniin, September 28,2014 [GO]- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaano ayaa madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay yimaadaan miiska wada hadalka.

Hadalkan ayuu Siilaanyo ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hargaysa wuxuna tilmaamay dowladda Xasan Shiikh inay ka war wareegayso wada hadal balse ay muhiim tahay beesha caalamka inay gar waaqsadaan madax banaanidooda.

''Waxaan lee yahay Somaliland waa Qaran madax banaan dadkiisu way tashadeen, Midnimadda Soomaaliya waa tii fashilantay diyaar uma nihin durbaanka Somaliweyn, waxay dowladda Somalia u muuqataa inaanay ixtiraamayn wixii lagu heshiiyay kana war wareegayso miiska wada hadalada waxaan wali idin ku baaqaynaa miiska wada hadalada si aan u kala baxno''.

Dhowr jeer oo hore waxaa dib u dhacay wada hadalkii lagu balan sanaa kaasoo hadda wqtigii loo qabtay uu dhaafay mana jirto ilaa iyo hadda go'aan kasoo baxay madaxda Muqdisho oo ku aadan xiliga diyaarka u yihiin inay wada hadalka la galaan Hargaysa.

Somaliland ayaa u muuqata inaysan raali ka ahayn inay mar kale Soomaaliya kasii mid ahaato halka masuuliyiinta dowladda Federaalkuna ay doonayaan inay dib usoo celiyaan Somaliland tabashadoodana lagu dhameeyo wada hadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM