Somaliland: Waxba nagama quseeya Dastuurka Soomaaliya

Image
Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay "dastuurka cusub".

Hargeysa- Soomaaliya - Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dastuurka cusub ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya toddobaadkii hore, ka dib wareysi uu wasiirka warfaafinta maamulkaas Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) siiyay BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xaqiijiyey in tillaabada Baarlamaanka Federaalka ay meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee midnimada Somaliland iyo Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay dastuur u gaar ah, waxaanu weerar ku qaaday wakiilada maamulkaas matala, isaga oo yiri“Qof xilka markuu ka dhamaado ay tahay in uu cafis weydiisto madaxweynaha Somaliland siduu dal u ma talayaa?”

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horeeya dastuurka, kuwaasi oo ka kooban qodobo ku saabsan doorashooyinka iyo haykalka dowladnimo.

Talaabadan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda iyo sidoo kale maamulka Puntland oo kalsoonida kala noqday dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM