​Somaliya: Askar lagu dilay qarax bambaano

Image

JOWHAR- Saraakiil katirsan ciidamada dowladdaSomaliya ayaa xaqiijisay inay dhinteen ugu yaraan 4 askari, saddex kalena dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii mallayshiyaad hubaysan weerar bambaano loo adeegsaday ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin degamada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Mallayshida ayaa dhowr bambo gacmeed ku tuuray saldhigaas oo ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha degmada Jowhar oo qiyaastii ilaa 15KM u jira magalada.

Dhaawaca ciidamada, ayaa lagu dabiibayaa xarun caafimaad oo ku taalla magaladaasi, waxaana socda baaritaano kala duwan oo lagu xaqiijinayo cidda weerarka ka dambaysay.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi, waxaase lagu tuhmayaa ururka Shabaab inay ka dambeeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM