Soo rogaal-celinta burcad-badeeda Soomaaliya oo lala xiriiriyay Xuutiyiinta

Image
Tan iyo bishii November, 30 weerar ayaa lagu qaaday maraakiib ganacsi, doomo kalluumeysi iyo doomo kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerarada ay kooxaha Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ka geysanayaan badda cas ayaa dib u soo kiciyay shabakadihii burcad badeeda Soomaalida, sidda uu sheegay taliyaha ciidamada badda Yurub.

Kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen ayaa sannadkii hore bilaabay in ay weeraraan maraakiibta ku sugan badda cas si ay ugu cadaadiyaan Israa'iil iyo xulafadeeda dagaalka Marinka Gaza.

Vice Admiral Ignacio Villanueva, oo ah taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee u xilsaaran ka hortagga burcad-badeedda, ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay hadda u maleynayaan in ay jirto fursad dahabi ah oo ay ugu wacan tahay joogitaanka Xuuthiyiinta, iyadoo ay korortay isu-socodka xeebaha Soomaaliya, burcad-badeeddana ay si aad ah ugu sii qulqulayaan badweynta Hindiya.

Waxa uu sheegay in xeeladaha ay adeegsadaan kooxaha burcad badeeda ay ka mid tahay in ay afduubtaan doomaha yar yar oo ay muddo ku dhow 10 maalmood u safraan bartamaha badweynta Hindiya oo ay isku dayaan in ay weeraraan maraakiibta waaweyn.

“Waxaan la kulannaa 25 ama 30 burcad-badeed ah oo isku weerar ah. Si aad u wanaagsan ayay isugu xirmeen telefoonnada dayax-gacmeedka iyo hubka culus,” ayuu yiri.

Villanueva oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in tan iyo bishii November ay dhaceen 30 weerar oo lagu qaaday maraakiib ganacsi, doomo kalluumeysi iyo doomo kale.

Budhcad badeedu waxa ay ka soo ifbaxday xeebaha Soomaaliya markii uu bilaabmay dagaal sokeeye horaantii sagaashamaadkii. Weeraradu waxay sii bateen horaantii 2000-meeyadii, markaasoo ay qarxeen iskahorimaadyo ka dib markii ciidamada Itoobiya ay soo galeen dalka si ay meesha uga saaraan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Tirada shilalka ayaa gaartay sanadkii 2011 kii, markaasoo 237 dhacdo ay dhaceen, iyadoo 32 markab ay gacanta ku dhigeen burcad badeed iyo 736 qof oo la qafaashay, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM