Soomaali Daacish xag-jireysay oo weerar ka fuliyay Australia
SYDNEY — Booliska Australia ayaa shaaciyay maanta oo sabti in weerarkii mindida ee shalay ka dhacay bartamaha magaalada Melbourne uu fuliyay in kasoo jeeda dalka Soomaaliya.
Xasan Khaliif Shire Cali, oo 30 jir ahaa ayaa toorey ku dilay hal, waxaana uu dhaawacay labo kale, kuwaasi oo marayay wado mashquul badan shalay gelinkii dambe.
Askari ayaa toogtay Xasan xilli uu weerar ku qaadey labo Askari oo kamid ahaa ciidamada amaanka, waxaana dhaawac ahaan ugu dhintay Isbitaalka, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Victoria Graham Ashton.
Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagaxiso, iyadoo mas'uuliyaddiisu sheegatay kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay Iraq iyo Syria, taaso Xasan Khaliif ku xag-jireysay baraha Internet-ka.
Muuqal lagu dhigay Twitter-ka, ayaa muujiyay Xasan Khaliif oo gaari uu watey dab ku qabad-siiyay wadada dhex-dhexdeeda, iyadoo kadib uu lasoo baxay mindi taasoo uu ku weeraray dad jidka lugeynayay iyo Askar.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Xasan ay dowladda Australia kala noqotay baasaboorka 2015, kadib markii uu isku dayay inuu u safro dalka Syria, si uu uguu biiro Daacish.
Boqolaal qof oo wadada marayay ayaa aad uga argagaxay weerarka oo dhacay xilli dadka u kasoo rawaxayeen shaqooyinkooda Melbourne oo ah magaalada labaad ee uguu ballaaran dalka Australia.
Xasan ayaa walxaha qarxa kusoo raray gaari qeybta dambe ka furan oo uu doonayay inuu ku fuliyo weerar ismiidaamin ah, balse uu ku fashilmay waxaana kadib uu adeegsaday mindi uu watay oo ku weeraray dadka.
Boolisku waxay tilmaameen in Xasan Khaliif uu yimid Australia 1990-kii isaga iyo qoyskiisa, markii uu kasoo cararay Soomaaliya, oo xilligaasi uu ka qarxay dagaalkii sokeeye.
Wuxuu ahaa nin ay horey u garanayeen Booliska oo dhowr jeer loo xiray demiyo xatooyo, isticmaalka maandooriyaha iyo falal kale oo uu ku geystay kaxeynta gaariga.
Ra'iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in Islaamk xag-jira uu khatar ku hayo amaanka qaranka dalkiisa, isagoo ugu baaqay hay'adaha amniga inay kahor tagaan weerarada argagaxisada.
Nin la dhashay Cali Khaliif Cali, ayaa hadda ku socota maxkamadeyn, oo lagu soo eedeeyay inuu qorsheeyay weerar uu ka fuliyo dalka Australia. Waxaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago sanadka soo socda 2019.
Nin 74 jir ah, ayaa ku dhintay weerarka, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo da'dooda lagu kala sheegay 26 iyo 58 jir, kuwaasoo Boolisku ay sheegeen in xaaladoodu ay tahy mid degan, oo dhaawacyo fudud soo gaarey.
Waa markii 2aad mudo 4 sano ah, oo Australia ka dhaco weerar argagaxiso.
December 2014, weerar socday 17 saacadood ayaa nin hubeysan kula wareegay meel Makhaayad ah, oo ku taalla magaalada Sydney, kaasoo lagu dilay labo qof iyo ninkii fuliyay oo boolisku ay toogteen.
Dalka Australia ayaa kamid ah meelaha ay Soomaalida ku badan tahay, waxaana falalkan noocan ah yihiin kuw nadir ah oo ay geystaan muwaaidniin Soomaali ah, oo la sheegay inay Daacish Internet-ka ku xag-jiraysay.
GAROWE ONLINE