Soomaali kamid ah malaayiin Xujey loo daabulayaa degaanka Mina

Image
Tirada xjeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa waxaa la sheegay in ay gaareyso illaa 11,500 Xaaji.

RIYADH, Saudi Arabia - Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta 8aad ee Bisha Dulxij oo loo yaqaano (Yowmu Tarwiya) maalinta aroorka ayaa Malaayiin xujey ah oo adduunka iskaga yimid ay degayaan deegaanka Mina ayaa Xujeyda Soomaaliyeed oo ka mid ah loo daabulayaa Mina.

Ilaa 230 Bus oo kiiba loo qorsheeyey inuu qaado 50 Xaaji ayaa lagu daabulayaa' xujeyda saaka'  iyadoo qeybtii ugu horeysay ay xalay gelinkii dambe ilaa waaberigii saaka ay  degeen goobihii loo diyaariyey.

Tirada xjeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa ah 11,500 xaaji iyadoo  marka lagu daro xubnaha bicisada ay noqonayaan 11,715  oo intooda badan ay yihiin culimada iyo masuuliyiinta dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM