Soomaali ku biirtay Daacish oo dooneysa in dalkooda lagu celiyo
WASHINTONG, US – Xerooyinka barakacyaasha Suuriya waxaa ku jira xaasaska qaar kamid dagaalameyaasha kooxda la magac baxdey dowlada Islaamka taasi oo looga adkaadey dagaalka wadankaasi Carbeed.
Marwooyinkaasi waxaa ku jira kuwa asal ahaan Soomaaliya kasoo balse haysta dhalashada wadamo reer Yurub ah kuwaasi oo ka baxday dalalka ay qaxooti ahaan ku tageen kadib dagaalkii sokeeye ee waddanka.
Qaarkood oo ku dhashay dalalka Yurub oo intii u dhaxeysa 2014-kii illaa iyo 2016-kii ku biirtay Daacish ayaa haatan waxay doonayaan in dalkoodii hooyo dib lagu celiyo, sida uu shaaciyey Barnaamij baaris ah.
Muwaadiniintan oo isugu jira gabdho iyo wiilal qaarkood ku dhintay dagaalo iyo duqeymo diyaaradeed ayaa lagu geeyay Suuriya in ay qabanayaan howlo gargaar inkasta oo qaarkood ay rabitaankooda ku baxeen.
Gabdhaha oo ay guursadeen dagaalameyaal ka tirsan ISIL isla markaana dhalay caruur badan ayaa haatan ku sugan xerada Al-Xuul oo ku taala waqoyga Suuriya kuna dhow xuduudka uu dalkaasi la wadaago Ciraaq.
Barnaamijka Galka Baarista ee laanta Af Soomaaliga VOA-da oo sheekadan daaha ka rogay ayaa baahiyey in tirada Soomaalida xeradaasi barakac ku sugan ay ka badan tahay 100 marka laga daro caruurtooda.
Waalidiintooda oo tan iyo markii ay ubadkooda waayeen "walwal iyo rajo" ku joogay ayaa sheegay in ay jeclaanayeen in ilmahooda lagu celiyo Soomaaliya, maadaama dalalka ay dhalashada ka haystaan "aanan laga soo dhaweyneyn".
Wadamada uu illaa iyo haatan barnaamijka carabaabey in ay dhalashooda haystaan Soomaalida Daacish ku biirtay ee Al-Xuul ku sugan waxay kala yihiin; Jarmalka, Ingiriiska iyo Sweden.
Sweden waa dalka kaliya ee iclaamiyey in uu doonayo soo celinta, balse ma dhaafsiisana hadal, mana jiraan talaabooyin ilaa iyo haatan la qaadey, sidda uu sheegay mid kamid ah waalidiinta.
Sidda uu sheegay barnaamijka, waalidiinta ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin nolosha ay ku nool yihiin caruurtooda isla markaana ay doonayaan in si degdeg ah dib loogu celiyo wadankooda Hooyo.
Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay xiriir kala sameeyeen arrintaan si ay u fudueyso ayay tilmaameen in aysan wali ka helin wax talaabo ah wallow ay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan.
Cali Saciid Faqi, danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub oo Galka Baarista u waramay ayaa shaaciyey in gabdha Soomaaliyeed ay tan ugu yar haysato hal cunug ah, halka tan ugu badan ay haysato in ka badan saddex.
Isaga oo ka jawaabaya su'aal ku saabsaneyd in dalka dib loogu celinayo wuxuu ku jawaabey: "Go’aanka dib loogu celinayo dalka ma ahan mid shaqsi ah oo Cali Fiqi ahaan uu gaari karo, balse waa in qaran ahaan loo eegaa".
Mar la waydiiyey hadii uu shaqsi ahaan jeclaan lahaa in dib loogu celiyo wadanka ayuu ku jawaabay "Haa" balse wuxuu shuruud ka dhigay in la eego dambiyadda ay ku eedeysan yihiin iyo in ay halis ku noqoneyn ammaanka.
Dowladda Federaalka ah oo sanadihii lasoo dhaafay dalka dib ugu celisay Soomaali badan oo dalka dibadiisa ku xirneyd ayaa su'aasha haatan hortaala waxay tahay qadiyadan soo korortay iyo in ay awood u leedahay maareynteeda.
Dalabka kasoo yeeraya waalidiintan ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan wadamo uu kamid yahay Faransiiska ay soo celiyeen caruur ay dhaleen hooyooyin dalkaasi u dhashay oo Daacish ku biiray balse geeriyooday.
GAROWE ONLINE