Soomaali laga soo daayay xabsiyada Libya oo ka degtay Muqdisho

Image
109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay Hargeysa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 164 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo laga soo saaray xabsiyada Dalka Libya.

109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM