Soomaalida Ingiriiska oo lagala hadlay ilaalinta badda iyo difaacida midnimada

Image
Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay masuuliyinta ka socota dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee XFS oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay masuuliyinta ka socota dowladda Soomaaliya, waxaana halkaas laga jeediyey kalmado dardaaran, mahad-celin iyo guubaabo isugu jiray.

Ugu horeyn Guddiga Difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya oo sheegay in waajib ay tahay difaaca qaranimada Soomaaliya ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan ilaalinta difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada.

Sii hayaha safiirka Soomaaliya ee dalka UK, ahna safiir ku xigeenka safaaradda Danjire Dayib Sheekh Axmed ayaa masuuliyiinta soo dhaweeyey, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey kasoo qeyb-galka xafladaan.

Danjire Dayib ayaa sheegay in tan iyo markii dib loo furay safaaradda ay door muhiim ah ka qaadatay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta danaha dowladda Soomaaliya, sida xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dalkeena uu la leeyahay boqortooyada UK.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa jaaliyadda faahfaahin ka siiyey shaqada guddiga, isagoo sheegay in howshaan ay tahay mid qaran, qof kastana ay waajib ku tahay inuu garab istaago dowladiisa.

Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday inay doorweyn ka qaataan qadiyadda ilaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa uga mahad celiyey safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta iyo difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM