Soomaalida Koonfur Afrika oo la faray in ay ka feejignaadan rabshadaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kadib warbixintii warsidaha Garowe Online, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay weerarada shisheeye naceybka ee Koonfur Afrika.

Ajaaniibta lagu beegsanayo weeraradaas ayaa waxaa kamid ah Soomaalida oo dalkaasi ku leh ganacsi, kuwaasi oo qaarkood boob baahsan lagula kacay, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Xukuumadda Muqdisho oo "hesha ku haysa" rabshadaha wadankaasi ka dhacaya ayaa waxay "ka xun tahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda".

"[Muwaadiniinteena] deggan dalka South Africa [waa] in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika," ayey tiri xukuumadda.

Inta la xaqiijiyey shan ruux ayaa ku naf-waayey qulqulatooyinkan oo kusii baahaya magaalooyin kala duwan oo wadankaas ah, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Booliska ayaa shaaciyey in ay u soo qabqabteen dhacdooyinka in ka badan 40 ruux, kuwaasi oo aysan kala caddeyn hadii maxkamad loosoo taagi doono arrimahaasi.

Soomaalida ayaa waxay kamid yihiin Jaaliyadaha ugu badan ee wax ka degan Koonfur Afrika, halkaasi oo ay ku leeyihiin ganacsiyo waaweyn, halka qaarkood ay ku joogan qaxooti ahaan iyo waxbarasho.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM