Soomaaliya: Askar ka tirsan NISA oo qarax miino lagu dilay

Image
Ugu yaraan shan askari ayaa la sheegay ku dhinteen, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Koontaroolka K-13 ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka. Illaa haatan, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Ismiidaaminta ee lagu qaadey barta NISA baabuurta ku baarto ee nawaaxiga Garasbaaley.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho kusoo bateen digniinaha dhanka qaraxyadda oo ay soo jeedinayaan Reer Galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM