Soomaaliya: Askari lagu toogtey Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa lagu soo waramayaa inay ku dileen Isgoyska Siinay ee Magaalada Muqdisho, Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, maanta oo Arbaco ah.

Sida ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online Goobjoogalaal, kooxihii falkaan dilka ah geystay waxay isaga baxsadeen goobta kadib markii ay khaarijiyeen Askarigaan.

Askariga la dilay wuxuu kamid ahaa Ciidamadda Booliska ee Ilaaladda wadooyinka, iyadoo kooxihii dilay ay horey usii qaateen Qorigiisa kadib markii ay qeybaha sarre ee Jirkiisa rasaas ay la dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilkaan, balse, kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dilal qorsheysan ka fulinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waa falkii labaad oo dil ah, kaasoo ka dhaca Muqdisho sacaadihii lasoo dhaafay, iyadoo sidaan oo kale, xalay Degmadda Xamar Jabab lagu naf-gooyay mid kamid ah Wax-garadka xaafada Suuq-yaraha.

Dilka loo geystay Cabdi Culusow ma jirto cid sheegatay, balse, laamaha amaanka dowladda waxay sheegeen inay ku daba-jiraan kooxihii falkaas ka dambeeyay ayna gacanta kusoo nigi doonan.

Falalka lidiga ku ah amaanka ayaa waxay ka yihiin Muqdisho kuwa joogta ah, iyadoo laamaha amaanka ay la daaladhacayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen, iyagoo sameeya howlgalo joogta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM