Soomaaliya: Caro ka dhalatay duqeyn lagu laayay dad shacab ah

Image
Rayidka la xasuuqay ayaa waxaa lagu waramay in aqlabiyadooda ay kasoo jeedaan hal qoys.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caro xoogan ayaa waxay ka dhalatay kadib markii dad shacab ah oo qaarkood isku qoys ahaayeen ay ku naf-waayeen duqeyno dhanka cirka ah oo ka dhacdey gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye gaar ahaan degaanka Baqdaad oo 30 KM u jira caasimada Muqdisho.

Sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online oo la hadlay dadka degaanka, dadka geeriyoodey - oo isugu jira caruur, haween iyo waayeel - ayaa 15 kamid ah waxa ay kasoo jeedaan hal qoys.

Maadey Cabdullaahi Axmed oo kamid ah ehelada qoyska ku dhamaadey duqeyntan ayaa isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu mareegga GO u sheegay in dadka dhintay uu ku jiro ilmo 3-sano jir ah.

"Anaga ma kala naqaano cidda fulisay duqeynta xasuuqdey dadkeena. Balse waxaan ka dalbaneynaa Dowladda Soomaaliya in ay baaritaan sameyno iyo in magdhow u helno dadkeena," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Illaa haatan, si dhab ah looma ogga dalka fuliyay duqeyntan. Hase ahaatee, wadamadda Mareykanka iyo Turkiga ayaa sanadihii dambe siyaabo kala duwan u fulinayay howlgalada noocaan ah.

Goor sii horeysay oo Talaadada maanta ah, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tiro ka badan 30 xubnood Al-Shabaab ah lagu khaarijiyay duqeyn ka dhacdey isla aagga laga soo tabiyay xasuuqan.

War-saxaafadeed laga sii daayay telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ay taageerayeen duqeyntan. Balse, ma soo bandhigin magaca waddanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay howlgalka.

Ugu yaraan labo illo wareed oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegay Garowe Online in duqeyntan ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka ee laga leeyahay waddanka Turkiga.

Labo illo wareedyo kale - oo mid kamid ah sarkaal ciidan oo ku sugan Afgooye - ayaa waxa ay Garowe Online u sheegeen in duqeynta ay haleeshay Masjid xilli lagu jiro Taraawiix iyo guri shacab oo ku dheganaa.

"Waxaa laga yaabaa in Turkida maamuleysay diyaaradda drone-ta aysan kala garaneyn dhulka iyo degaankaba ayna taas keentay in ay goob qaldan toogtaan," ayuu raaciyay sarkaalka ciidan ee ka gaabsadey magaciisa.

Sikastaba ha ahaatee, marka sidan oo kale duqeyn cirka ah ay waxyeelo ba'an u geysato dad shacab ah ayaa waxaa loo aaneeyaan macluumaad qaldan oo dhanka sirdoon ah waxaana ay horey u dhacdey dhowr jeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM