Soomaaliya: CC Shakuur oo markale sheegtey Muqdisho, difaaceyna Thaabit

Image

MUQDISHU- Siyaasiga Maxkamad sugaha ah, Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku durey warsaxafadeed Madaxweynaha dowlada Soomaaliya kaga hadlayey boob lagu hayo dhulka magaalada Muqdisho.

Qoraalka Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa u muuqada mid uu ku difaacayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoo dhinaca kale banaanka soo dhigey in Guddoomiye Thaabat fikir ka duwan ka qabey weerarkii dowladu ku qaadey aqalkiisa.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegey in uu yahay sifeyn siyaasadeed oo ka dhex socota rag ku kala aragti duwan maqaamka magaalada Muqdisho iyo falkii dhacey Dec 17,2017 ee lagu weerarey gurigiisa.

Siyaasigaan oo kamid ah shaqsiyaadka qabiil ahaan u sheegta magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan uu soo dhigey baraha bulshada ku xusey in hadalka Madaxweynaha yahay mid xaq ah balse baadil loola jeedo madaama boobka Hantida qaranka aysan ku ekeyn magaalo madaxda Soomaaliya.

CC Shakuur ayaa ka digey in natiijada ka dhalata waxaa uu ku tilmaamey talaabooyinka shirqoolka ah ee daba yaala qoraalkaan ay ka dambeeyaan dad uu ku tilmaamey iney marin-habaabinayaan Madaxweynaha, kuwasoo raadinaya iney iska horkeenaan isaga iyo beelaha qaarkood.

 

Hadalka Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ku soo beegamaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya maalintii shaley soo saarey warsaxafadeed ka digayo boobka lagu hayo dhulka dowlada Magaalada Muqdisho isagoo dhinaca sheegey in guddi baaris ku smaeeya loo saari doona eedymaha lasoo jeediyey.

Dhinaca kale qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo hadalka CC Shakuur soo dhigey baraha bulshada ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan eedymo loo jeedinayo Guddomiyaha gobolka Banaadir kuwasoo ku aadan inuu ku takri faley dhulal dowladu leedahay. Halkaan ka akhri 

Cabadiraxman Cabdishakuur ayaa diidey inuu hortago Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir isagoo xeer ilaalilayaha qaranka Soomaaliya ku eedeeyey inuu maleegalyey shirqoolo lagu afgambiyayo dowlada Federaalka ah.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga degaano hoos taga maamulka Galmudug ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusomareeb oo ah halka uu kasoo jeedo dhalasho ahaan siyaasiga aan ka bixi karin magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM