Soomaaliya: CC Shakuur oo markale sheegtey Muqdisho, difaaceyna Thaabit

Image

MUQDISHU- Siyaasiga Maxkamad sugaha ah, Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku durey warsaxafadeed Madaxweynaha dowlada Soomaaliya kaga hadlayey boob lagu hayo dhulka magaalada Muqdisho.

Qoraalka Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa u muuqada mid uu ku difaacayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoo dhinaca kale banaanka soo dhigey in Guddoomiye Thaabat fikir ka duwan ka qabey weerarkii dowladu ku qaadey aqalkiisa.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegey in uu yahay sifeyn siyaasadeed oo ka dhex socota rag ku kala aragti duwan maqaamka magaalada Muqdisho iyo falkii dhacey Dec 17,2017 ee lagu weerarey gurigiisa.

Siyaasigaan oo kamid ah shaqsiyaadka qabiil ahaan u sheegta magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan uu soo dhigey baraha bulshada ku xusey in hadalka Madaxweynaha yahay mid xaq ah balse baadil loola jeedo madaama boobka Hantida qaranka aysan ku ekeyn magaalo madaxda Soomaaliya.

CC Shakuur ayaa ka digey in natiijada ka dhalata waxaa uu ku tilmaamey talaabooyinka shirqoolka ah ee daba yaala qoraalkaan ay ka dambeeyaan dad uu ku tilmaamey iney marin-habaabinayaan Madaxweynaha, kuwasoo raadinaya iney iska horkeenaan isaga iyo beelaha qaarkood.

 

Hadalka Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ku soo beegamaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya maalintii shaley soo saarey warsaxafadeed ka digayo boobka lagu hayo dhulka dowlada Magaalada Muqdisho isagoo dhinaca sheegey in guddi baaris ku smaeeya loo saari doona eedymaha lasoo jeediyey.

Dhinaca kale qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo hadalka CC Shakuur soo dhigey baraha bulshada ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan eedymo loo jeedinayo Guddomiyaha gobolka Banaadir kuwasoo ku aadan inuu ku takri faley dhulal dowladu leedahay. Halkaan ka akhri 

Cabadiraxman Cabdishakuur ayaa diidey inuu hortago Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir isagoo xeer ilaalilayaha qaranka Soomaaliya ku eedeeyey inuu maleegalyey shirqoolo lagu afgambiyayo dowlada Federaalka ah.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga degaano hoos taga maamulka Galmudug ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusomareeb oo ah halka uu kasoo jeedo dhalasho ahaan siyaasiga aan ka bixi karin magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM