Soomaaliya: Ciidamo laga dul-qaadey xarunta Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta GollahaShacabka Soomaaliya ayaa laga dul-qaadey Ciidamadii dhawaan la duldhigay, iyadoo lagu soo celiyay kuwii horey loogu ogaa.

Ciidamadan oo ahaa Boolis sida Militeriga u tababaran ayaa waxaa la geeyay xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada 16-kii bishii Maarso, iyadoo Xukuumadda Khayre lagu eedeeyay inay ka danbaysay arintaasi.

Waxaa dib loogu celiyay mas'uuliyadda amaanka 114 Askari oo Booliska katirsan, kuwaasi oo uu ka warhayay hogaanka Baarlamaanka, islamarkaana mushaar gaar ah lagu siinayay.

Ciidamada la duldhigay Gollaha Shacabka ayaa dhalisay buuq siyaasadeed xoggann, iyadoo Xildhibaanno ku micneeyeen afgembi militeri oo lagu sameeyay Hay'adda sharci-dejinta dalka.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay si deg deg ah uga soo qaado Ciidamada xarunta Baarlamaanka, oo uu sheegay in aysan weligeed dhicin in lala wareego Gollaha Shacabka.

Waxa uu intaasi ku daray Jawaari in hadii ay soo joogaan Ciidamada waxii dhibaato ah ee ka yimaada ay mas'uliyadeeda qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM