Soomaaliya: Ciidanka NISA oo weeraray Guriga Wasiir hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomalaiya ee NISA, ayaa weeraray Guriga wasiir hore, oo katirsanaa Xukuumaddii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Cumar Geedi oo soo noqday Wasiir ku xigeenkii Howlaha Guud ee Xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo  maanta ku qabtey Shir jaraa'id magaalada ayaa sheegay in Gurigiisa xalay kusoo weerareen Ciidamada NISA.

Wauxuu ku micneeyay sababta loogu soo wareeray Gurigiisa, kadibna loo argagax geliyay isaga iyo reerkiisa ay tahay inuu yahay shaqsi dhaliila siyaasadda Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre.

Shir Jaraa’idka ayuu ku faahfaahiyay qaabka loosoo galay gurigiisa ayuu tibaaxay in ciidamo indhaha u xiran yihiin oo ka tirsan Nabad Sugida ay usoo dhaceen Saqdii Dhexe ee xalay.

Mas'uulkan oo sidoo kale Xildhibaan kasoo noqday Baarlamaankii 8aad ee dowladdii Sheekh Shariif, ayaa tilmaamay in Taliye lagu magaciisa uu kusoo gaabiyay Jaabir uu hogaaminayay Ciidamada weerarka ku qaadey hoygiisa oo ku dhaw Godka Jilicow.

Maxamed Cumar Geedi, Wasiir ku xigeenkii hore ee Howlaha Guud [Sawirka: Online]

“Argagax ayaa ka qaadnay markii ciidamo indha duuban ay usoo dhaceen Guriga. Waxay la weydiiyeen su’aalo aanan ku habooneen in la weydiiyo mas'uul qaran, oo ay kamid tahay inaan mucaraad ahay, oo Facebook wax ku qoro,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wali war rasmi ah ma aysan kasoo saarin, balse, xiriiro uu Warsidaha Garowe Online la sameeyay Hay’adda NISA way diideen inay sharaxaad ka bixiyaan eedaymaha loo jeedinayo.

Dhacdadaan waxay kusoo aadeysaa iyadoo Hay’adda NISA dhexdeeda uu ka jiro buuq fara badan iyo jahwareer dhanka hogaanka ah, kaasoo ka dambeeyay markii la Jabsaday Xafiiska Agaasime ku xigeenka labaad ee Hay’adda, oo shaqo joojin lagu sameeyay.

Xukuumadda Khayre ayaa lagu eedeeyay inay caburin ku hayso siyaasiyiinta ka aragtida duwan, iyadoo u adeegsata Ciidamada Nabad Sugida, oo December 2017 gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo weerarka lagu dhaawacay, lagana dilay 5 kamid ahaa ilaaladiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM