Soomaaliya: Dabageed oo weerar afka ah ku qaadey DF, baaqna diray

Image

BELEDWEYNE - Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Dabageed] ayaa sheegay in madaxda dowlada Federaalka ay lacag "aan cadad lahayn" siisay, goboladda sida wayn looga mucaarado iyo kuwa ku goodiya "inay go'aayaan".

Dabageed ayaa xusay in dowlada aysan gobolkiisa "doodsiisay xuquuqdiisa," sida uu hadalka udhigay, isaga oo afka ku balaariyay in aysan mushaaraad aysan wada qaadan guud ahaan ciidamada Booliska gobolka oo uu ku qiyaasay 1,000 Askari.

"Dowladda gobolada laga mucaarado, iyo dhahaya waan go'aynaa ayey dhaqaalo ku dal-dashaa, inaga oo taageersana, xabad [waxba] nama siiso. Ciidanka Booliska oo 1,000 ah, 60 oo kaliya ayaa mushaar ka qaadato," ayuu yiri Gudoomiye Dabageed.

Gudoomiye Dabageed aya xusay in madaxda dowladdaa Soomaaliya ay booqdeen gobolada kale ee dalka,  marka laga reebo gobolkiisa Hiiraan, oo aysan soo kormeerin, inkastoo markii daadku ku dhufteen Beledwayne uu Farmaajo tegay.

"Madaxda dowlada gobolada kale waxay ukormeeraan si joogto ah, laakiin inaga nooma yimaadaan. Farmaajo ayaa markii daadku nagu dhufteen nooyimid, oo saacado nala joogo, dadkiina ka qaaday, meelo ku soc-socday, balse markii uu waayey Geed uu ku harsado diyaaradiisa ayuu ku laabtey," ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn, gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed oo dul-istaagay war dhowaan kasoo baxay dowladda, kaasi oo ahaa inay inay heshiisiinayso dalalka Jabuuti iyo Eritrea, ayaa muujiyay sida uu isaluugsan yahay arrinkaasi.

Dabageed ayaa carabka ku dhuftay in kahor aysan dowladdu qaadan talaabadani loo baahan yahay inay wax ka qabato xaaladaha dalka ka jira, oo ay ugu horeeyaan amniga, mida bani'aadanimo iyo khilaafaadka kala dhaxeeya madaxda maamuladda.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili maalintii shalay uu Ra'iisul Wasaare Khayre tagey magaalada Jowhar, halkaasi oo uu soo dhagax-dhigay mashaariic horuamarineed, oo ay kamid yihiin dhisamaha Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM