Soomaaliya: Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose [Dhageyso]

Image

DHOOBLEY, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Jubbaland ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyoo dad xoolo dhaqato ah uu ka dhacay deegaanka hoos-taga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Heybe Axmed, Madaxa Ciidamada amniga Dhoobley, ee maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay isku dayday inay si qasab ah uga qaadato shacabka Xoolo ay ZAKO ku tilmaantay.

Iska hor-imaadka ayaa waxa uu Al-Shabaab iyo xoolo dhaqatada hubaysan ku dhex-maray Tuulada Urungow, oo qiyaastii 7KM u jirta magaalada DHoobley, oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Heybe ayaa tilmaamay in Ciidamada Jubbaland ay u gurmadeen shacabka Xoolo dhaqatada ah, islamarkaana la iska caabiyay Al Shabaabkii weerarka kusoo qaadey Urungow, ee doonayay inay xoolo Geel u badan ay ka qaataan dadka degan Tuulada.

Sarkaalkan amniga Dhoobley u qaabilsan Jubbaland ayaa intaasi ku daray in Al-Shabaab ay miino jidka ugu aastay Ciidamada gurmadka taasi oo uu xaqiijiyay inay geysatay khasaaro aan badnayn.

Al-Shabaab kama aysan hadlin weerarka la sheegay inay ku qaadey Tuulada Urungow, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ay degan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM