Soomaaliya: Dilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilal kala duwan ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaacay waxay ka kala dhaceen magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Dabley hubaysan ayaa Labo Dhalinyaro ah waxay xalay ku dileen xaafadda Koodka ee degmada Xamarweyne, iyadoo mas'uuliyadda dilka ay sheegatay Al Shabaab.

Labadan Dhalinyarada ah waxay Al Shabaab ku tilmaantay Saraakiil katirsan Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee [NISA], inkastoo dadka deegaanka ay ku sheegeen inay shacabka ahaayeen.

Sidoo kale, labo qof oo uu kamid ahaa Nabadoon caan ah ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa toogasho ku dilay Nabadoon Cali Cumar [Tawakal], xili uu kasoo baxay masjid, iyadoo kuwa dilay ay goobta ka baxsadeen.

Lama oga sababta ka dambaysa dilka Nabadoonka oo aad looga yaqaaney gudaha degmada. 

Dhan kale, Askari katirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay Suuqa degmada Afgooye, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana dilkaasi fuliyay rag hubaysan oo wali heebtooda la aqoonsan.

Saraakiisha Hay'adaha amaanka dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dilalkan.

Dilalka noocan ah ayaa kusoo badanayay maalmihii dambe Muqdisho iyo deegaanada kale ee ku dhaw, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan howlgallo joogto ah oo looga hortagayo falalka amni darro.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM