Soomaaliya: Dilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilal kala duwan ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaacay waxay ka kala dhaceen magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Dabley hubaysan ayaa Labo Dhalinyaro ah waxay xalay ku dileen xaafadda Koodka ee degmada Xamarweyne, iyadoo mas'uuliyadda dilka ay sheegatay Al Shabaab.

Labadan Dhalinyarada ah waxay Al Shabaab ku tilmaantay Saraakiil katirsan Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee [NISA], inkastoo dadka deegaanka ay ku sheegeen inay shacabka ahaayeen.

Sidoo kale, labo qof oo uu kamid ahaa Nabadoon caan ah ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa toogasho ku dilay Nabadoon Cali Cumar [Tawakal], xili uu kasoo baxay masjid, iyadoo kuwa dilay ay goobta ka baxsadeen.

Lama oga sababta ka dambaysa dilka Nabadoonka oo aad looga yaqaaney gudaha degmada. 

Dhan kale, Askari katirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay Suuqa degmada Afgooye, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana dilkaasi fuliyay rag hubaysan oo wali heebtooda la aqoonsan.

Saraakiisha Hay'adaha amaanka dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dilalkan.

Dilalka noocan ah ayaa kusoo badanayay maalmihii dambe Muqdisho iyo deegaanada kale ee ku dhaw, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan howlgallo joogto ah oo looga hortagayo falalka amni darro.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM