Soomaaliya: Dilal ka dhacay Wanlaweyn iyo Beledweyne

Image

WANLAWEYN, Soomaaliya - Dilal ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalooyinka Wanlaweyne iyo Beledweyne, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.

Degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa xalay lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada degmadaasi oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jacfar Cabdi.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Walweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa xaqiijiyay in labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ay Marxuum Maxamed Jacfar ku dileen afaafka hore ee gurigiisa.

Kuwa ka dambeeyay dilka ayuu sheegay in goobta isaga baxsadeen kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka maamulka degmada Wanlaweyn, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka mas'uulka katirsanaa maxkamadda Wanlaweyn, balse saraakiisha maamulka ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay ka dambayso.

Dhanka kale, Askari katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa qof shacab ah xalay ku dilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yaliyaha howlgelinta Ciidamada Booliska Baladweyne Carab Yuusuf Nuur ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Askari gacan ku dhiiglaha ah, iyadoo lagu xiray saldhiga degmada.

Qofka shacabka ayaa marayay xilliga dilka meel ku dhaw saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Buundoweyn, iyadoo wararku ay sheegayaan in Askari uu u toogtay shaki dartiisa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM