Soomaaliya: Diyaarad ku dhacday duleedka Awdheegle

Image

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay diyaarad nooca basaaska ah oo kusoo dhacaday deegaan ay maamusho oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa waxay Kooxda ku sheegtay inay qabatey diyaarad nooca duuliyaha laheyn, oo Mareykanka uu leeyahay taasi oo ku burburtay shalay meel ku dhaw Awdheegle, oo 60KM galbeed uga beegan Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda ay ku xirnaayeen Kaamirooyin iyo qalab kale oo loo adeegsado basaaska. Lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradda soo dhacday.

Ciidamo Mareykanka ayaa saldhig ku leh deegaanka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo ay ka qaadaan weerarada lagu qaarijiyo hogaamiyaasha Al Shabaab ee gobolkaasi, oo aad ugu xoog badan yihiin.

Maalmo kahor, deegaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo waxaa kusoo dhacday diyaarad noocan ah, taasi oo Al Shabaab ay sheegtay inay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Militariga Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Maarso ee sanadki tagey, markii uu amray Madaxweyne Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM