Soomaaliya: Diyaarad ku dhacday duleedka Awdheegle

Image

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay diyaarad nooca basaaska ah oo kusoo dhacaday deegaan ay maamusho oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa waxay Kooxda ku sheegtay inay qabatey diyaarad nooca duuliyaha laheyn, oo Mareykanka uu leeyahay taasi oo ku burburtay shalay meel ku dhaw Awdheegle, oo 60KM galbeed uga beegan Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda ay ku xirnaayeen Kaamirooyin iyo qalab kale oo loo adeegsado basaaska. Lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradda soo dhacday.

Ciidamo Mareykanka ayaa saldhig ku leh deegaanka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo ay ka qaadaan weerarada lagu qaarijiyo hogaamiyaasha Al Shabaab ee gobolkaasi, oo aad ugu xoog badan yihiin.

Maalmo kahor, deegaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo waxaa kusoo dhacday diyaarad noocan ah, taasi oo Al Shabaab ay sheegtay inay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Militariga Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Maarso ee sanadki tagey, markii uu amray Madaxweyne Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM