Soomaaliya: Duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab.

War Safaaxadeed kasoo baxay maanta AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in afar kamid ah Al Shabaab ay ku dhinteen weerarka oo shalay ka dhacay saldhig Kooxda ku leedahay meel 50Km waqooyiga galbeed uga beegan Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in wax khasaaro ah uusan dadka shacabka ah kasoo gaarin duqeynta, oo noqonaysa midii ugu dambaysay weeraro dhanka cirka ah oo Mareykanka diyaaradihiisa ku beegsanayaan Al Shabaab.

Sanadkii tagey, ugu yaraan 30 weerar ayuu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya, kuwaasi oo qaar kamid ah ay ka dhaceen dhulka Buuralayda ah ee ku yaalla Puntland, halkaasi oo Al Shabaab iyo Daacish fariisamo ku leeyihiin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bixiyay ogolaansho lagu kordhinayo weerarada Mareykanka ee Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkii 2017, si loo wiiqo awooda kooxaha mintidiinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM