Soomaaliya: Raggii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe oo la xukumay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xukuno kala duwan ku riday raggii loo haystay inay ka dambeeyeen qaraxii dadka badani ku dhinteen ee Zoobe.

Xukunkan ayaa yimid muddo kadib markii maxkamaddu ay dhagaysatay dawcadda loo haysto eedaysanayaashan oo qaybtood ka maqnayeen fadhiga dacwad qaadista.

Maxkmadda ayaa eedaysanayaasha qaybtood u celisay xorriyadoodii kadib markii lagu waayay wax dambi ah, halka qaar kale lagu xukumay Dil toogasho ah iyo xabsi daa'in.

Maxkamaddu, waxay sheegtay in Xasan Aadan Isaaq Cali lagu xukumay dil toogasho ah, halka Cabdullaahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan lagu xukumay Xabsi daa’im.

Cabdiwali Axmed Diiriye ayaa isna maxkamaddu ku riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Waxaa sidoo kale dib loogu celiyay xorriyadooda oo dambi lagu waayay; Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali.

Xukunkan ayaa yimid ku dhawaad Afar bilood oo dowladda Soomaaliya wax tallaabo ah ka qaadin ciddii ka dambaysay weerarkaas oo noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya, waxaana ilaa hadda jirin cid qiratay mas'uuliyadda Qaraxaas oo lagu fuliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM