Soomaaliya: Fadeexo ka dhalatay saraakiil tababar loo qaaday oo goosatay

Image
Tababarkan ayaa waxaa martigeliyay Booliska caalamiga ah ee Interpol.

MUQDISHO, Soomaaliya - Walaac xoogan ayaa ka dhashay kadib markii saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya kuwaasoo tababar loogu qaaday Faransiiska ay u goosteen dalal Jarmalka.

Tababarkan ayaa waxaa martigeliyay Booliska caalamiga ah ee Interpol kaas oo xiriirka uu la leeyahay dhigiisa Soomaaliya uu waxyeeleyn karo dhacdadan.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in Hogaanka Interpol uu ku wageliyay booliska Soomaaliya sida uu uga xun yahay falkan ayna abuureyso kalsooni daro culus.

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo saraakiil ka tirsan Dowlada federaalka ah e Soomaaliya oo tababarkan loogu qaaday Yurub ay baxsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM