Soomaaliya: Farmaajo oo Kulamo la leh Bulshada Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB - Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kulamo kula leh madaxda Galmudug, Ahlu Sunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa kulanka uu la qaadanayo mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna diirada lagu saari doonaan sidii loo midayn lahaa shacabka gobollada dhexe, islamarkaana looga gudbi lahaa khilaafka jira.

Inta uu socdo shirka, Farmaajo ayaa warbixino kala duwan ka dhageysan doona bulshada, kuwaasi oo ku aadan baahiyaha ay qabaan iyo sida la isaga kaashan karo taloobooyin dhinaca horumarka ah.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb galayaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen bishii December madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyey, maadaama ay ku sugan yihiin Madaxweynaha dalka, Madax sare oo ka kala socda maamullada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada qaarkood, oo ay kamid yihiin Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa ka baaqday ka qeybgalka Munaasabadda mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ka dhacaysa Dhuusamareeb. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM