Soomaaliya: Gaari shacab oo lagu rasaaseeyay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Koox hubeysan ay rasaas khasaaro dhalisay ku furey Gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah oo ku dhex-safrayay gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Gaarigan oo ka baxay Muqdisho ayaa waxay rasaaseeyay deegaanka Caloola-Cad oo qiyaastii 7KM, u jira magaalada Beledweyne, waxaana weerarkan uu ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Hal ruux oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo labo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka magaalada Beledweyne, sida ay Saraakiisha gobolka Hiiraan xaqiijiyeen.

Kooxda falkan ka dambaysa ayaa la sheegay in ujeedkooda uu ahaa inay dhac u geestaan rakaabka la socday Gaariga, balse markii uu Dawaralka si xowli ah ku dhaafay Isbaarada ay rasaas ku dureen.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku baxay goobta shaqaaqada ay ka dhacday, balse kuma guuleysan inay gacanta kusoo dhigeen burcadda qowlaysatada ah ee rasaasta ku furtay baabuurka.

Inta badan wadooyinka isku xira gobollada Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhaca falalka noocan ah, kuwaasi oo ay geestaan rag ku lebisan dareeska ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo burcad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM