Soomaaliya: Ganacsiga qeybo kamid ah Muqdisho oo xiran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka xiran Ganacsigii ka jiray Suuqa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dibadbaxa ay dhigayaan Ganacsatada.

Qof kamid ah Ganacsatada Suuqa ayaa sheegay in dadka banaanbaxa dhigaya ay ka cabanayaan ciidamo hubaysan oo Militari ah, kuwaasi oo dilal ka gaysta Suuqa gudihiisa xilliyada qaar iyo arrimo amni darro oo kusoo korartay Suuqa.

Dadka Banaanbaxa dhigay oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa ugu baaqay dowladda inay wax ka qabato ciidamada qalqalka iyo dilalka ku haya Ganacsatada, iyagoo sheegay inay doonayaan nabadgelyo ay ku ganacsadaan maadaama ay bixiyaan canshuurta.

Dibadbaxa ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay Suuqa gudahiisa lagu dilay qof ka mid ahaa ganacsatada, kadib markii uu diiday inuu dhiibo lacag dhan Shan kun oo Shilin Soomaali ah oo uu waydiistay Askari Militariga Soomaaliya katirsan.

Maamulka degmada Kaaraan ayay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay dhinaca amniga Suuqa, oo noqday meel ciidamada maalin kasta lacago baad ah uga qaadaan Ganacsatada, iyadoo qofkii diidana ay dilaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM