Guddiga loo xilsaaray dadkii ku dhawacmay weerarkii hotel Ambasador

Image

MUQDISHU- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir, iyadoo looga hadlayay xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii Hotel Ambassador iyo tan guud ee amniga dalka.

Golaha ayaa warbixino ka dhagaystay wasiiraddii gurmadka gaarsiiyey shacabkii ay saameeyeen fatahaadda uu Wabiga Shabeelle.

Waxay sidoo kale warbixin ka dhagaysteen wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, kaasi oo sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay falkaasi argagixiso dad isugu jira Shacab iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka Soomaaliya iyo askar.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyey in xiligii uu falkaasi dhacayay goobtu ay ahayd mashquul isla markaana ay dadku u diyaar garoobayeen salaadda maqrib.

Golaha Wasiirada ayaa Cambaareeyey weerarka hotelka waxayna Tacsi u direen dhammaan ehellada Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee falkaasi uu saameeyey.

Golaha ayaa boggaadiyey Ciidamada ammaanka sida dhiiran ee ay uga jawaabeen dhacadaadaasi, Iyagoo Guddi ka kooban Wasaaradaha, Amniga, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Awqaafta iyo Dhalinyarada u saarey wax u qabadashada dadka ugu daran ee xaaladdooda caafimaad an dalka gudihiisa wax looga qaban Karin si dibedda loogu qaado.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibrahim ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda Fatahaadda Wabiga ee Beledweyne, wuxuna tilmaamay in deegaanka ay ka jirtay xaalad adag xiligii ay tagayeen, wallow hadda ay xaaladda soo hagaagayso.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay gudi loo xilsaaray qaban qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha Xorriyadda, waxaa dowlada u qorshaysan inay u samayso dabaal dagyo aad u balaaran oo lagu muujinayo weynayta maalmaha Xorriyadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM