Soomaaliya: Gudoomiyihii Mahaday oo xilka laga qaaday

Image

MAHADAY, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka HiShabeelle, Maxamed Cali Caadle ayaa maanta xilka ka qaadey Gudoomiyihii degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha oo lagu magacaabo, Cabdullaahi Maxamed Xuseen [Geeldoox], ayaa xilka looga qaadey wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle, oo shalay la qoray, balse maanta la shaaciyay.

Sida ku xusan wareegtada, Gudoomiyaha ayaa xilka looga qaadey sababo dhowr ah, oo ay ugu horeeyaan xil-gudasho la'aan, isagoo mudo dheer degmada ka maqnaa iyo ku tagri-fal awoodeed, taasi oo shacabka kasoo gudbiyeen cabasho.

Geeldoox wali kama uusan hadlin sida uu u arko xilka qaadista lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM