Soomaaliya: Hakad ku yimid Howlgaladii ka socday gobolka Baay

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Waxaa hakad uu ku yimid Howlgalladii military ee ka socday gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay soo wajaheen ciidamada huwanta.

Gudoomiyaha degmada Berdaale Saalax Axmed ayaa sheegay in uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah oo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay sameeyeen mudooyinkii dambe, islamarkaana ay xaaladda amni fara kasii baxayso.

Saalax ayaa sababta ku sheegay inay tahay ciidamada oo aan haysan agab military oo ku filan iyo mushaaraad, taasi ay niyad jab ku keentay inay sii wadaan dagaalkii lagula jiray Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Al Shabaab ay tani fursad u tahay oo ay dib u qabsanayaan degmooyinkii horey looga saaray, isagoo igu baaqay Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka inay daboolaan baahida ciidanka.

Waxaa aad u adag in la isku gudbo degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii Al Shabaab ay go'doomisay wixii ka dambeeyay 2015, waxaana taasi ay keentay dhibaatooyin xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah oo oo wajahay Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM

Xasan Sheekh oo Mucaaradka ku Eedeeyay Inay Carqaladeynayaan Doorashooyinka Dadweynaha

Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa difaacay isbeddellada doorasho.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 05:54AM