Soomaaliya: Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo Howlgal lagu dilay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hogaamiye sare oo katirsanaa Al Shabab ay ku dileen howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.

Hogaamiyahan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Abu Cabdalla ayaa lagu qaarijiyay howlgalka oo ka dhacay deegaan hoostaga Awdheegle, oo Al Shabaab ku maleegaysay qorsho ay ku fulinayso weerar ka dhan ah ciidamada dowladda ee sugan gobolka.

Maxamed Abu Cabdalla ayaa ahaa ku xigeenka hogaamiyaha Al Shabaab u qaabilsan howlgalladeeda gobolka, sida ay xaqiijiyeen sarkaal katirsan ciidamada xoogga, oo la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Howlgalka waxaa sidoo kale ku dhintay 11 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga la weeraray, iyadoo sidoo kale ay jireen dagaalamiyaal kale oo lagu dhaawacay weerarka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab, oo ku aadan dilka sarkaalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM