Soomaaliya: Howlgal ka bilowday HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay in howlgal military oo ka dhan ah Al Shabaab uu ka billowday deegaanada maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in Howlgalka billowday ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, iyadoo ujeedka uu yahay in la furo wadooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa u dhaqaaday Tuulooyinka ay maamusho Al Shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ee kooxda ay ka hesho dhaqaalaha ay ku wado dagaalka ay kula jirto HirShabeelle.

Howlgallo waxa uu hadda wajigiisa hore ka billowday Wadada u isku xirto degmooyinka Balcad iyo Jowhar, ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen tallaabadan.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay Weerarada ay ka geysanayaan degaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay in gobolka Hiiraan oo bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay saartay xayiyaarad isku socodka degmooyinka laga billaabi doono dhawaan howlgalka wado-furista ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM