Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku balamay iskaashi dhowr jiho ah

Image
Wasiiradda arrimaha dibadda labadda dal ayaa waxay yeesheen kulan laba geesood ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa kulan ballaaran la qaatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay rajada laga qabo xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo kuwa badan. Waxay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan hababka looga faa'iidaysan karo fursadaha dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, oo ay ku jiraan dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo tamarta.

Waxaa la xusay in guddoomiyenimada COP29 ay tahay mid ka mid ah goobaha waxqabadka muhiimka ah ee Azerbaijan. Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale looga hadlay dib u dhiska gobolka iyo dadaallada nabadeed ee Asarbayjan ka dib colaadda.

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Asarbayjaan waa mid si tartiib tartiib ah u soo koraya,” ayuu yiri Fiqi oo ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabteen dhigiisa Jeyhun Bayramov.

Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Asarbayjaan ay muhiim tahay in ay iska kaashadaan hay’adaha caalamiga ah ee kala duwan oo ay wadaagaan ama kuwada jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM