Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka shiray dib-u-habaynta dhaqaalaha

Image
Dib-u-dhaca badan ee doorashooyinka ayaa halis geliyey geedi-socodka dalka looga cafinayo deymaha.

WASHINGTON, USA - Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda, Bayle ayaa shirar miradhal ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Bayle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Waaxda arrimaha Dibaddda Mareykanka. Bayle ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Hey'adda IMF iyo Hey'addaha kale dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u joogo magaalada Washington shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka, Hey'adda Lacagta Adduunka IMF iyo Hey’adda kale ee caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay waydo kaalmada caalamiga ah haddii ay doorashadda sidda weyn u daahdey ay sii guur-guurato illaa bisha May dhamaadkeeda waxaana sidoo kale dhibaato ku imaan karaan xiriirka hay'adaha dhaqaalaha dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM