Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka shiray cusbooneysiinta xiriirka ka dhaxeeya

Image
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay "guulaha ay gaartey xukuumadiisa".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Muxsin Al-Mandalawi.

Xamse iyo Al-Mandalawi ayaa si guud uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Khawaarijta, dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM