Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka shiray iskaashi dhanka ammaanka

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Ciraaq, Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Xamse oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, ayaa Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM