Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka shiray iskaashiga baarlamaanada labada dal

Image
Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa soo gaarey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi.

Guddoomiyaha iyo wafdiga ka socda Ciraaq ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada saaxiibtinimada ee baarlamaanada labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM