Soomaaliya iyo Cuba oo dib usoo celinaya xiriirkooda diblumaasiyadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Cuba ayaa fiidnimadii Khamiista yeeshay wadahadal dhanka telafoonka ah, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyadda.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal kooban kuna qoran luqada English soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaciyey in dhigiisa Miguel Díaz-Canel uu lasoo xiriiray isla markaana ay wada xaajood yeesheen.

Farmaajo ayaa daboolka ka qaadey in ay isla soo qaadeen Miguel sidii dib loogu soo nooleyn lahaa cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal oo muddo sanad ah hakad ku jiray.

"Wada sheekeysigeenu waxaan diirada ku saarney kawada shaqeynta dib u yag-yeelida xiriirka diblumaasiyaasadeed ee labadda waddan," ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.

Bishii April ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii sidaan oo kale uu madaxweyne Farmaajo telafoonka kula hadlay Miguel xiligaasi oo ay kawada arrin-sadeen xaalada dhakhaatiir Cuban ah oo ay Al-Shabaab kasoo afduubatay gudaha Kenya.

Waddanka Cuba oo kamid ahaa dowladihii caalamka ee xulufada dhow la ahaa maamulkii Siyaad Barre ayaa garab siisey Itoobiya dagaalkii 1977-dii, kaasi oo Soomaaliya lagu jebiyey ayna kasoo gaartay guuldaro weyn.

Kahor inta aysan duulaanka qaadin Soomaaliya, bartamihii bishii March ee sanadkii 1977-dii, waxaa la sheegaa in uu Muqdisho Fidel Castro, madaxweynihii xiligaasi ee Cuba, lana kulmay Siyaad Barre kuna dhiirogeliyo guluf ciidan.

Xilligaasi waxaa jirtay yididiilo ku aadan "Soomaali Weyn" maadaama gobolada Soomaali Galbeed iyo Waqooyi Barri ee NFD ay haysteen Itoobiya iyo Kenya, balse xeeladii Siyaasada Barre waa ay qashaqeyn wayday.

Tani iyo wixii waqtigaasi ka dambeeyay xiriirka labada waddan ayaa burburay, safaaradaha booreysteen, waxayna kamid ahayd go'doon ay Cuba kaga jirtay caalamka intiisa kale.

Bishii Julaayo 2015-kii ayay wax kasta si caadi ah kusoo noqdeen markii Mareykanka uu soo celiyey xiriirka diblumaasiyadeed ee Cuba kadib hakad uu ku jiray dagaalkii qaboobaa ee aduunka 1961.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM