Soomaaliya iyo IMF oo ka shiray maalgelinta la helo karo kadib deyn cafinta

Image
Kukankan gaarka ah ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawinaada IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM