Soomaaliya iyo IMF oo ka shiray maalgelinta la helo karo kadib deyn cafinta

Image
Kukankan gaarka ah ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawinaada IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM