Soomaaliya iyo Itoobiya oo aqbalay codsi uga yimid Turkiga

Image
Warar laga helay Illo wareedyo waxay sheegayaan in Ankara ay casuumtay hogaamiyeyaasha Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aqbalay codsigii Turkiga ee ahaa in ay labada dowladood miiska wadaxaajoodka uga heshiiyaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Warar laga helay Illo wareedyo waxay sheegayaan in Ankara ay hogaamiyeyaasha Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku martiqaadey dalkeeda si ay si rasmi ah ugu bilowdaan wadahadalada heerkoodu sareeyo.

Sikastaba ha ahaatee, ogolaanshiyaha laga helay labada dhinac ayaa hoos u dhigay xasarada siyaasadeed iyo walwalka dhanka ammaanka ee cirka isku tolay tan iyo bilowgii sanadkan aan ku jirno 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM