Soomaaliya iyo Jarmalka oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga

Image
Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke, ayaa hogaaminayay wafdigan.

MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM