Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray fulinta "howlgalo gaar ah"

Image
Howlgaladan ayaa qeyb ka ah gulufka ballaaran ee dalka looga saarayo "kooxaha argagixisada ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel  David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM