Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Image

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan la yeeshay Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda amniga gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay mar kale caddeeyeen taageerada ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha ka jira Geeska Afrika, oo ay ku jirto amniga Badda Cas iyo doorka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku leeyahay taageeridda mudnaanta amni ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta lagu xoojinayo amniga iyo horumarka muddada fog ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga, lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa maalgashi iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo dheeraad ah gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM