Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixdey heshiis ku kacaya $68.5 Milyan

Image
Heshiiskan ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka Magaalooyinka iyo Miyiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Maalgashiga Maxamuud Cabdiraxmaan BeeneBeene iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u saxiixeen heshiis ah Deeq Horumarineed ah oo ka timid Hey’adda USAID oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 68.5 Milyan oo Doolar oo wax looga qabanayo arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray argagixisada.

Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Wasiirada Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Qosheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan BeeneBeene ayaa mahadcelin kadib, waxa uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan Dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaamul-Wanaagga deegaanada Dowladdu ka xureysay cadawga argagixisada ah, Wasiir BeeneBeene ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Dowladdu hubindoonto in dhaqaalahaan uu ku baxay halkii saxnayd iyo ciddii mudnayd.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo isna dhankiisa u mahadceliyay Hey’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay Cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taa la mid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta si looga maarmo kaalmada dibada ka timaado.

Catie Lott oo ah madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka turjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalaya deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.

Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka Magaalooyinka iyo Miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aasaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM